DAAWO SHIRKII KADHACAY MINNEAPOLIS EE LAGU TAAGEERAYAY



WAX YAABIHII KASOO BAXAY SHIRKII JAALIYAADKA JUBOOYINKA QAARKOOD KUYEESHEEN WADANKA MAREYKANKA GAAR AHAAN MINNEAPOLIS.

Waxay codsadeen dhamaan beelaha somaaliyeed in si cusub la isula jaanqaado Ismaamul goboleed cusub oo laga sameeyo Jubooyinka oo loo dhan yahay, kadib markii ay fashilantay Zaaniya. Waa sababta keenyan in Uu yimaado
1. wakiilkii boqorka Puntland
2. wakiilkii Beesha Biyomaal (Dir)
3. Wasiir kasocday Awdal Ismaamul Goboleed
4. Wakiilkii Galmudug
4. Beeldaajiyihii Ali Salebaan
6. Imaankii Mudulood ee North America
7. Ergo katimid Beesha Dabre
8. Ergo katimid Puntland
9. iyo madaxdii Beesha Ambsame & adeerkood oon cidna kamaqnayn dhamaan magaalooyinkii Minnesota iyo Wisconsin states- waa laga yimid.
Waxay kaloo dadku aad ugu guuxeen uguna riyaaqeen sida hufan ee Sh. Ahmed Madoobe Gudoomiyiha guud ee Ururka Raaskambooni oo khadka taleephoneka uga qaybgalay shirka, ayaa hadalkiisii dadkoodhan soo jiidatay. waxayna dadku markii ugu horaysay fahmeen inaan laga lahayn talada imsmaamulk goboleedkan la dhisi doono. Hadalkii Ahmed Madobe yaa waxaa ku jiray- ” anagu ma noqon doono kuwii dhihi jirya- waan usoo dhintay, kaadidaydaan u soo cabay oo anigaa u xaqleh” wuxuu kaloo cadeeyay in cid kasta oo beelaha dega Jubooyinka kamid ah -xaqooda aan la duudsinayn ee kuwa jira dibada iyo kuwa gudaha kujira u sinaan doonaan markii laga xoreeyo cadawka dalka haysta in loo sinaan doono maamulka ninkii ku haboon ma’suul kanoqon doono tala iyo hogaanka Ismaamulkan.

Shirkan markuu dhamaaday waxaa la isku raacay qodobo dhawr ah:

1. In Gudi loo dhan ka kooban beelaha dega oo dhan laqabto
2. In hiil iyo hoo lala garab istaago Maaamulka Raaskambooni iyo Ma’suuliintqa dibadaha kawada dadaalka lagu doonayo in dhidibada loogu aaso maamul loo dhan yahay.
3. In Shirarka soo socda wadajir looga qaybgalo rag iyo haween
4. In Dheefta iyo Dhibkaba loo sinaado oo tabaruc deg deg ah lala gaaro Cutubyada u dhimanaya xoraynta umada somaaliyeed ee Goboloda Jubooyinka iyo guud ahaanba Somaliwayn.
5. In laga shaqeeyo midaynta dadka gudi iyo dibadba- maadaama lagu qancay hoogaanka hada jira ee Jubooyinka.

Dhismaha gudiyada gadaal baan idinku soo tabin doonaa iyo magacaabida Rag & Dumar cidii loo doorto gudiyadan.
Wabilaahi towfiiq.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>