Dawlada Puntland oo dil toogasho ah ku fulisay dhawr iyo toqob qof oo ka tirsanaa Al-shabaab.iyocali Dheere oo kahadlay dhageyso.

Boosaaso(Puntlandi.com):- Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa dil toogasho ah ku fulisay 13 qof oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin Ururka A-lshabaab.

13-kan qof horay Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ay dil ugu xukuntay ayaa waxaa ka mid ah haweenay, waxay markoodiihore lagu soo eedeeyay in ay ka tirsanaayeen Ururka Al-shabaab dilal na ka gaysteen deegaanada Puntland.


Ragan waxaa la tilmaamayaa in qaarkood ay maxkamadu ku xunkuntay dilkankadibmii ay ku heshay cadaymo l;a xiriira in ku luglahaayeen ama wax ka gaysteen dilkii allaha u raxmadee Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan loogu gaystay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari December 5-teedii 2011.

13-kan qof ayaa waxaa lagu toogtay goob fagaare ah oo ay ku sugnaayeen maamulka gobolka Bari, Saraakiisha Ciidamada Booliska iyo Asluubta, Xeer ilaalinta gobolkaasi Bari, iyo xubno kaloo farabadan.

Dadkan la toogtay maanta ayaa waxaa soo mareec maxkamadda Racfaanka ee gobolka Bari kadib markii ay racfaan ka qaateen xukunkii maxkamadda Ciidamada qalabka Sidda, waxaana sidoo kale xukun sadexaad ku ridday sida Maxkamadda Sare ee Puntland oo kiiskoodu uu gaaray.

Sida ay Masuuliyiinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Puntland sheegeen ragani waxaa lagu edeeyay markoodii hore dilal ay u gaysteen qaar ka mid ah Culimo, Nabadoono, Xildhibaano, Garsoorayaal iyo Ganacsato kala duwan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>