UUR-DOOX 7-aad Mashruuca Islaamiga ee Soomaaliya W/Q Sh C/raxmaan Sh Cumar

UUR-DOOX 7-aad Mashruuca Islaamiga ee Soomaaliya W/Q Sh C/raxmaan Sh Cumar

Minisota:-Allah wuxuu yidhi isagoo ka sheekaedynaya Nabi Ibrahim,ولا تخزني يوم يُبعثون* يوم لا ينفع مال ولا بنون إلا من أتى الله بقلب سليم “Allow ha I hoojin maalinta la isa soo saarayo, maalinta aan maal iyo caruur  waxba tareeyn qof Allah qalbi fayoow ula yimid ma ahee” Waxaan rabaa qormadan hadduu alle idmo in aan wax yar gadaal idiin celiyo,sannadihii 1975-1976,  waxa kacaanka olole xirxirid ah  ku qaadday wixii dhaqdhaqaaqa islaamiga u madax fiiqnaa si loo damiyo,waxaa la qabtay sheekhii xarakada Sh.Maxamad Macallin Xassan alla ha u raxmadee oo ahaa xudunta  dacwada socota,Cabdulwaaxid Xaaji Xaashi, Ciise Sh. Maxamed, Sh. Cabdulqadir Nuur Faarax iyo rag kale, waxaa nabadsugidda laga soo xigtay in liis kale la qa qaban doono oo uu kamidyahay  Sh. Cabdulqadir,  Sh. Maxamud, Axmed Nuur Carab, Sh. Cabdiwahab Isxaq, Maxamed Cabdi Jeeyte, iyo Cabdisalaan Cusmaan Cabdisalam.

Raggaa waxaa loo tallaabiyey waddanka Kenya iyagoo lagu dhuumiyey dooni u socotay Mombasa, raggaas intoodii badnayd waxay galeen waddanka Sucuudiga kaddibna waxay galeen jaamacadihii Islaamka ee sucuudiga oo markaa uu xukumayay boqor Faysal bin Cabdicasiis oo aad usoo dhoweeyay ducaaddii kasoo carartay cadaadiska waddamada islaamka sida Masar, Libiya Tuunis,  Jazaair iyo Somalia.

Waxaa taa dhinac socday in culimada waaweeyn sida Sh. Bin baaz, Sh Mohamed Naasiruddiin iyo Al-bany ku tashadeen in la furo jaamacad islaami ah oo ay ku barbaariyaan ilmaha muslimiinta kaddibna dib loogu celiyo waddamadadoodii si iyagana doowrkooda u qaataan waxayna aasaaseen jaamacadda madiina ee islaamiga ah, ilaa maantana Culimo badan soo saarta.

Culimmaii soo cararay qaarna waxay dacwo ka billaabeen waddanka Kenya iyagoo ka asaasay unugii u horreeyay ee xarakada islaamiga ah, waxayna ku caan baxeen salaamu- caleeykumiyadoo lagu ceebeeynayo salaanta faraha badan ee ay faafinayaan marka ay kulmaan islamarkaana dhaqangalinayo xadiiskii nabiga oo ahaa salaanta faafiya, raashinka quudiya,habeenka tukada dadkoo hurdayo waxaad galeeysaan jannada rabbigiin wadaadadii ugu horreeyay waxaa kamid aha Sh. Cumar Awsahal, Sh. Cabdullahi Ciise Sh. Cabdullahi Cali Xaashi,Sh, Cabdixakim Sh. Cumar iyo rag kale.

Maxaa keenay takfiirka:

Raggii tagay sucuudiga ee galay jaamacadihii islaamka waxaa indhaha lagu kala furay manaahijta iyo firqooyinka kala geddisan ee islaamka soo maray walina taaganyahay raadkoodii, waxaa soo baxay booska an taagannahay iyo firqada an ku jirno, waxaa caddaatay wahaabiyadii  kutubta suufiyada laga sheekayn jiray iyo waxa jira in ay aad u kala fogyihiin, sida; waxay diidanyihiin rasuulka scw, waa bidco, madaahibta ma ogola, waxay diidanyihiin salliga nabiga, waxay diidanyihiin awliyada, aayadihii gaalada ayeey u isticmaalaan muslimiinta, tawasulka ma ogola iwm. Arimahaas oo qaarkood  laga yaabo in diintaba looga baxo.

Waxaa jiray rag culimo waawayn oo fahamsanaa manhajka saxda ah iyo caqiidada ahlusunnah waljamaaca, Sh. Cumar faaruuq, Sh. Cabdullahi Cali Cumar, Sh. Cali Warsame, Sh. Nur Cali Culoow, Sh. Muxumad Sh. Cisman ( Haadi), Sh. Cabdulqadir Nur Faarax inta dhimatay jannadii allaha ku mannaystee, culimadaas oo intooda badan markii ay culuunta islaamka ku akhristeen Soomaaliya kadib u cilmi doontay waddanka Sucuudiga kaddibna galay jaamacadaha islaamka ama ka qaatay culimo kale oo wax fahamsanaa waxaa lagu suntay in ay yihiin dad lunsan oo wahaabiyo ah oo ay waajib tahay la iska ilaaliyo, saxwadana laga ilaaliyo.

Ayagana masoo dhexgelin dhallintii saxwada, wax yar ma ahee sida sh.cabdulqadir Nur faarax oo markuu arkay saxwadan, inkastoo uusan manhajkooda ku qanacsaneeyn haddana arkayay in la dhexgalo waxna laga badelo, haddii dadkaan isku xiran inta ka khaldan laga saxo   waxaa suurtagal ah in ay wax wayn ka badali karaan waddanka, sidaas oo ay tahay waa la iska ilaalin jiray in aysan u gudbin wahaabiyada tayaarka islaamiga ee socda.

Waxaan xusuustaa in nin dhallinyaro ah oo aan u malaynayo in la dhihi jiray Cabdiraxmaan uu fahmay toowxiidka (ama wahaabiyoobay) waxa la isku dhabar jabiyay in lagasoo celiyo madhabkan waa la kari waayay, nin macaanka toowxiidka dhadhamiyey miyaa laga celin karaa oo wax kale aqbalayo, markii ugu dambeeysay waxaa la yidhi quraan ha la saaro wuuna ogolaaday, waxaa lagu akhriyay quraankii in wahaabinimada  Alle ka saaro, Cabdiraxman quraankii wuxuu ku sii xoojiyay  wahaabinimadii!!

Markii la galay Jaamacadihii ee la dul istaagay xaqiiqda iyo manhajka caqiidadeed  ee lagu jiro waxaa bilowday marxalad cusub oo ah in dib loo fiiriyo manaahijta la kala haysto iyo kee sax ah oo an qaadannaa. Waxyaalihii takfiirka ama gaaleeysiinta sabata u ahaa waxaa lagu soo koobi karaa arrimaha soo socda:

1-    Dowladaha dunida Muslimka  oo diiday inay isku xukumaan shareecada islaamka kuna darsaday in ay la dagaallamaan wixii afka so mariya ama laga maqlo arintaas. Waxaad maqlayysaa culimo dil lagu xukumay, si bareer ahna maxkamadda u leedahay dambiga ay galeen waa, “waxay  doonayeen in shareecada islaamka lagu xukumo dalka” iyo Dadwaynaha oo ku taageeraya wax kasta, iyo fasaadka oo aad u badan.

Maxkamaddii dilka loogu xukumay oo aan goob joog ka ahaa, ayaan idin lawadaagi doonaa waxna ka qori doono hadduu alle idmo.

2-    Aqoonta shareecada islaamka  oo yarayd iyadoo an la haysan maraajic fiican oo laga bogto masala kasta iyadoo lagu dabaqayo waaqaca jira.

3-    Xamaasad qofka  ka indhatirta in waxwaliba booskooda dhigo iyadoo aan la raacin hawadiisa iyo sida uu jecelyahay isagoo aanay celinayn darbiyada nusuusta shareecada.

Kala qaybsankii  dhaqdhaqaaqa islaamka:

Waxaan so sheegnay  sh.Cabdulqaadir sh. Maxamuud iyo raggiisii ay go’aansadeen in ay gaar u baxaan qarsoodina ku shaqeeyaan maxaa yeelay waxay isyiraahdeen  mujtamaca caqiidadiisa marantahay dowladdiina ay halkaa u jiheeysatay uma suubado in dacwo kor ah laga dhex wado,jimce iyo jamaaco laguma oogi karo,qof aan la hubin laguma daba tukan karo,waxaan ku jirnaa xilligii maka oo ay dacwada qarsoonayd (Sh.cabdulqadir muddo ayaan ismoognahay ma garanayo wax iska badalay, waxaanse u rajaynayaa khayr iyo in illaahay xaqa nawada waafajiyo) waa caqli xumo in aad cadowgaada bannaanka isu dhigto si uu kuu baabi’yo waxay si buuxdo uga baxeen saaxada muuqata ee dacwada.

Rag kale waxay yidhaahdeen, “wixii naga khaldan an saxanno geeddisocodka mashruucana horay halloo wado” waxay arkeen inaan  qaadanno manhajka salafka ee caqiidada toosan ah, waxa kalena qashinka ha la raaciyo wixii sidaas nagula shaqeeynayana aan uruursanno.

Sidaas waxaa ku sameeysmay  Al-jamaacal islaamiya oo uu madax ka ahaa Sh. Maxamud Ciise oo lagu asaasay magaalada barakaysan ee Al-madina Al-munawara, 1987 waxaa asaasmay dhaqdhaqaaqa islaax oo madax u noqday Sh. Maxamed Axmed Nuur “Gadhyare”,wax yar kaddib 1983 waxaa midoobay qaybtii salafiyada ee waxdada waqooyiga Soomaaliya oo uu hogaaminayey Sh. Cali Warsame iyo Al-jamaacal islaamiya oo uu hogaaminayay Sh. Maxamuud Siise iyadoo madaxtinnimadii loo dhiibay Sh. Cali Warsame, Sh. Maxamuud Ciise na ku xigeen looga dhigay. Midoowgaa waxaa loo bixiyay “Al-itixaad al islaami”, wuxuu dhaqdhaqaaq xoog badan kuna salaysan manhajka salafka.

Waxaa la dejiyay manhajkii lagu socon lahaa oo ah (kitaabka iyo sunnaha sida ay u fahmeen salafka iyadoo laga faa’ideeysanayo dhaxalka ay ka tageen muslimiinta kii hore iyo kii dambe).Hadafkeenna waa raalli galinta Allah iyo in lagu oogo diintiisa dhulka Alle. Waxaa la qoray shuruudda xubinnimada oo ay ugu horrayso waa in uu qofka ka saxanyahay xagga caqiidada,waa in aanan lagu ogayn casibiyad iyo qabyaalad.

Waxaa lagu qoray in qofka laga qaado bayco (balan) in uu wax maqlayo oo uu u hogaansamayo, raacayona shuruucda u deggan jamaacada . Waxaa loo sheegayey  beeycadaan in ay tahay mid gaar ah oo aanay ahayn middii wayneeyd oo ay ka dhalaneeysay axkaamta Amiirka guud ee muslimiinta. Waxaa la dhisay golaha shuurada oo ka kooban intii ugu aqoonta roonayd si ay talada iyo manhajka dacwada u hogaamiyaan, waxaa kamid aha; Sh. Cali warsame, Sh. Maxamuud ciise, Sh. Cali wajiis, Sh,Dr Axmed xaji cabdiraxman, Sh.DR. Axmed Dahir Aweeys, Sh. Yusuf aadan (alqaadi), Sh. Dahir Cadbi Ciid, Sh. Cadulqadir Cukaash, Sh. Cabdullahi Makaawi, Sh. Cabdulqadir Nuur Faarax, Sh. Xassan Calasow, Sh. Xasan Daahir Aways, Sh. Cabdullahi Cali Xaashi, Sh. Cumar Cabdi khadiib, Sh. Cabdullaahi Diiriye Abdtidoon, Sh. Maxamad Cabdi Daahir iyo culumo kale.

Waxaa lagu qoray ajandaha shir sanadeedka hal qodob oo joogto ah oo ah : Dib u eegidda manhajka an ku soconno, lagana saxo wixii khalad ah iyadoo lagu saleeynayo kitaabka iyo sunnaha lana kaashanayo culimada salafka ee waawayn sida Sh. Maxamad Naasiruddiin Al-baani, iyo Sh. Bin Baaz allaha u naxariiste. Waxaa la isku raacay shicaarka jamaacada iyo nidaamka asaaiga ah. [1]

Waxaa loo jeestay dacwadii oo muddo laba sano ku dhow uu fariisiyay murankii takfiirka, waxaa Sh. Maxamuud la fariisiyay Masjidka ceel hindi, masjidka dabaqaynka ee bakaaraha, waxaa la goaansaday in dadka la baro manhajka salafka, culayska u waynna la saaro caqiidada iyo toowxiidka oo ah meesha wax ka qalloocdaan.

Waxaa la sameeyay saddex heer oo waxbarasho oo la marsiinayo xubin kasta oo kamid ah jamaacada, iyo kutubtii loo akhrin lahaa oo qof kasta oo xubin ah laga rabo in uu dhameeyo. Luuqada  Carabiga, fiqhiga, caqiidada, siirada, axaadiista,tafsiirka quraanka,iyo thaqaafada guud.

Dhaqdhaqaaqii islaamka oo isku xiran ayaa waxay billaabeen min gees ilaa gees in dacwada loosoo jeesto. Ceel hindi waxaa isu daba fadhiistay Sh. Maxamuud Ciise oo tafsiirka akhriyo iyo Sh. Dahir Cabdi Ciid oo muxadith ah oo akhrinayo ummahaadka ,iyo Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax oo akhriya buluuqul maraamka.

Kacaanka inkastoo uu qabtay wax kasta oo ummaddan lagu horumarin lahaa sida la dagaallanka qabiilka, isku kalsoonida qarannimo, horumarinta waxbarashada, la dagaallanka musuqmaasuqa, dhismaha ciidamada laakin sida uu dhoodaan ku tilmaamay gabaygiisa “qalbi karbaash”:

Mar ay laba tobnaad buuxsantayoo, barina sii dhaaftay[2]

· Birmadkiyo kacaankii dhashayee, baylah tiray ciida

· Ee booli quutaha eryiyo kii, shacbiga boobay

· Ee gacal isbiirsada ka dhigay, beeshii kala guurtay

· Ee bannaanka maatadii qubnayd, beer cunto leh geeyay

· Ee inay sirteenu baxdiyo, baadi ka ilaashay

· Ee baankii noo so dhacshiyo, waliba batroolka[3]

· Ee yidhi bilaash nama dhaqdee, an runta u baydhno

· Ee yidhi xaqiyo baadhilkii, aynu kala baadhno

· Ee yidhi ninkii boobayow, joogso bi’i waaye

· Ee webi butaacsada na yidhi, oo baryada diida

· Ee yidhi dhaqaalaha badh bay, naga bulaayaane

· Innaba beero an yeelanee, badar inoo shiida

· Ee yidhi jahligu waa balee, an tacliin barano

· Ee boqol kun baadiye u diray, oo buraashado leh

· Ragga bigilka dheer noo tumiyo, madaxda noo baaqday

· Barwaaqo iyo guul baan Illaah, uga baryeynaaye

· Iyagiyo bishay noo kaceen waa, wax loo bogo e

 

Haddana wuxuu godob ka galay harumarinta diinta islaamka waana midda uu u dhintay markii dambe, wuxuu la dagaallamay wixii saansaan diineed ah sida xijaabka, dacwada iyo wixii la xiriira, qofkasta oo xilligii kacaanka joogay waa ka markhaati diinta say ku ahayd meesha uu joogay.

Lagama filayn Golihii Sare ee Kacaanka in uu ku dhawaaqo ku dhaqanka shareecada islaamka, maxaa yeelay maba fahmaynin si loogu dhaqo dadka shareecada islaamka, waxayna kala mid ahaayeen xaaladdii dunida muslinka ka jirtay waqtigaa waliba waxaa la dhihi karaa waa ugu roonaayeen, markii la fiiriyo waxyaalaha ay gaysanayeen madaxda dunida muslinka.

Waxaa kaloo u kaalmeeynayay wadaadada suufiyada qaarkood, iyo culumadii kacaanka oo farta ugu fiiqayay si ay ugu adeegsadaan awoodda dowladeed una damiyaan saxwada.

Go’aamadii ugu horreeyay ee soo baxay waxaa kamid ahaa in la akhriyo kitaabu toowxiid oo uu leeyahay Sheikh Maxamad Cabdiwahaab,si qurbaha looga saaro, waxaana lagu akhriyay geed iyo guri kasta. kitaabkiina wuxuu ka baxay qariibnimadii.

Sh. Nuur Cali Colow allaha u raxmadee wuxuu ii sheegay in uu soo martiyay nin caalim ahaa oo la dhihi jiray Sh.Cabdiraman Foolloow Allaha u wada raxmadee aad ayuu u karaameeyay, Sh. Cabdiraxmaan wuxuu u yimid in uu la dodo Sh. Nuur oo lagu sheegay in uu wahaabiyoobay, Sh. Cabdiraxman qolkii uu seexanayay ayaa waxaa loo dhigay kitaabkan fatxulmajiidka ah oo laga jaray garbadka kore iyo magaca, wadaad iyo kitaab la isma tusee habeenkii ayuu daalacasho ku billaabay,  Sh. Nuur mardambe ayuu soo kacay oo wuxuu arkay wadaadkii oo soo jeeda faanuustana u dheertahay kitaabkiina daalacanayo, waagii hadduu baryay ayuu u soo galay Sh. Nuur Sh. Cabdiraxman wuxuu waydiiyay xalay ma aadan seexan ayaan u maleeynaa mardambe faanuustaada waa daarnayd? wuxuu yidhi waa soo jeeday oo waxaa ila tagay akhrinta kitaabkan, oo ma dhameeysay? haa ayuu ku jawaabay, see kula yahay? wuxuu yidhi waa kitaab aad u fiican wax khalad ahna kuma arkin, wuxuu yidhi Sh. Cabdiraxman kitaabkan waxaa qoray Sh. Maxamad Cabdi Wahaab waana kan qolofkiisii, halkaas waxaa uga baxay oo gabi’ahaanba isbadalay wixii uu ka qabay wahaabiyada.

Qisadan waxay tusineeysaa dacaayadda siday u xoogbadantahay oo ay u geddiso xaqiiqada dadkana uga horistaagto in ay xaqa fahmaan,iyo xikmada culimada ee wax sheegidda oo ah in la isu daayo qofka iyo kutubta uu shakiga ka qabo.

Dacwada:

Waxaa soo baxay arday soo qaatay shahaadadooyinka cilmiga sharciga kanasoo baxay jaamacadaha islaamka sida Madina,Umul-quraa, jaamacatul imam-malik Cabdicasiis. Wax yar kadib waxaa buuxdhaafay masjidka ceel hindi, dabaqeeynka, waxaa billawday muxaadarooyin,in la faa’ideeysto wadaadada fasaxa ku yimaaddo oo ay akhriyaan duruus cilmi ah, waxaa la xoojiyay dugsiyadii quraanka iyadoo la barayo Tajwiidka quraanka.

Tajwiidka in lagu akhriyo quraanka ama ardada la baro waxaa xamar ka billaabay Sh. Cali Suufi Allaha u raxmadee, markii uu billaabay in uu ku akhriyo quraanka tajwiidka waxaa ku kacay wadaadadii joogay xamar waxayna ku tilmaameen in uu bidco layimid oo ay waajib tahay in lala dagaalo Sh. Cali Suufi allaha u naxariistee wuxuu iska degay meesha masjidka ku yaallo oo ka baxsanayd magaalada boocbooc kaliyana ku yiilay ayuu degay,waxaa meesha ugu tagay ardada saxwada isna garab istaagay waxna ka bartay.

Waxaan rabaa in an idinla wadaago markii raggeennii saraakiisha ahaa aan soo noqonnay waxaa nagu dhacay niyad jab aad u xooggan ilaa Faarax Maxamad Saciid allaha u naxariistee uu igu yidhi “dhaqdhaqaaq dambe oo islaami ah galimaayo” maanta wixii ka dambeeyaa,faarax wuxuu ka mid ahaa hogaanka sahanka ee XDS, waxaan ku idhi nolosha khaldid iyo isa sixid weeye, dadaalkana allaa qofka ka ajarsiiyo, hadduu asiibana laba ajar ayuu leeyahay hadduu khaldana hal ajar, mashruuca geeddisocodka islaam doonka ha ka hadhin, ciddii aad isla shaqayn kartaan la shaqee” waana iga aqbalay wuxuu waa dambe ii sheegay in ku biiray dhaqdhaqaaqa islaax.

Xilligaa iyo jawigaa wareersan ayaan aad u fekeray waxaan tukaday salaad badan anoo allaah ka baryaaya in uu igu hanuuniyo wadada xaqa ah, masjidka Sh. Cali Suufi ayaan casar jimce ah fariistay anigoo filaya saacadda ducada la ajiibo in ay ku aaddantahay, waxaan Alle weeydiistay meesha xaqa ah in uu igu hanuuniyo isagaa dadka hanuuniyee kadibna waxaan ku biiray tayaarka salafiga ah,Allahna waxaan weeydiisanaa in uu I xifdiyo nolosha inta iiga hartay.

Xilligan waxaa lagasoo baxay dagaalkii Somali galbeed waxaa so galay soomaaliya dad badan oo qaxooti ah oo kasoo cararay ciidamadii Itoobiya oo dib u qabsaday dhulkii laga xoreeyay ee Soomaali Galbeed waxaa la dejiyay gobolka hiiraan sida; luuq jeeloow jiiqleey, jalalaqsi, iyo shabeellada hoose sida qoryooleey.

Halkaas ha inoo joogto insha allaah qaybta 8-aad ayaan ku xejin doonaa. Waxaan ka cudur daaranayaa soo daahida qoraalkan, safar ayaan galay, waxaana illaahay ka baryaraa inuu ii fududeeyo qaybaha dhiman, si joogta ahna aan idiinku soo tabin doonaa tobankii cashoba mar insha allaah, akhristayaasha aad ayaan ugu mahad celinayaa dulqaadkooda iyo sugiddooda..

Xigasho:

(1)Wareeysiga sheikh Cali  (Somaliatoday)

(2) Doollo Hooyga Suugaanta

W/Q Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar

Leave a Comment